Make your own free website on Tripod.com


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Munaasabadii 1da Luuliyo iyo Soomaalida Minnesota

     
Calankii Soomaalida oo Baloono laga Sameeyay
Minneapolis, Minnesota.| Xarunta ay ku bahoobaan in badan oo ka mid ah Jaaliyadaha ku dhaqan Gobolkan Minneapolis ayaa lagu qabatay xaflad si wanaagsan loosoo agaasimay tan oo ujeedadeedu ay ahayd sidii dib loogu xasuusin lahaa Soomaalida reer Minnesota Maalmahan hagaagsan ee walidkeen inoo sheegay in ay tahay maalmo muhim u ah taariikhda Soomaalida gaar ahaan Soomaalida hagaagsan ee garan kara macnaha ay Xoriyadu leedahay, halkan ayaa galabta waxaa ka hadlay ama isugu yimi oo kasoo qayb galauy rag badan oo Soomaaliya Magac iyo muunad ku lahaa hadii markaa ay noqon lahayd xaga mansabka iyo Jaaha ama xataa magac ku baxan halyeeynimo iyo ka runsheegida taariikhda Soomaalida.

Dadkii halaa isugu yimi maanta waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Abshir Muse, Cali Khaliif Galaydh, Askar oo isagu kaba joogay Soomaalidii hormoodka u ahayd Ururkii dhaliinyarda Soomaaliyeed ee SYL....

Kulankan maanta oo intaa aan soo sheegay iyo in lagu darayba ay goob joog ahaayeen ayaad moodaa in uu ahaa kulan aad u qiimo badan, inkasta oo ay indhahaygu aad usoo jiiteen kulankan oo iigaga duwanaa dhamaan kulamdii aan ka qayb galay tan iyo xiliigii aan soo gaaray dalkan Maraykanka, waxaa mar keliya indhahayga ku dhacay muuqaal yaab badan kan oo runtii aniga si gooni ah iigugu bayaanshay in aan marnaba la saadaalin karin Mustaqbalka. Waxaan arkay oo ay mar ishaydu wada qabatay Mudane Cali Khaliif Galaydh oo doowladii Soomaaliya Madax ka ahaan jiray, Maxamed Abshur Muuse oo maxbuus ahaa, iyo marwo Faadumo Hiireed Qalyayax oo iyadu radiyiihii qaranka ka shaqayn jirtay hadaad xasuusataan waxaa halkaa iigaga muuqatay in saadaasha mustaqbalku ay tahay ran u gooni ah Illaaha wayn ee dunida sameeyay.
  Sheekh Sayid oo dadka wacdinaya.

Kulankii maanta oo qorshuhu ahaa in uu biloowdo 3sadexda galabnimo ayaa watigiisii dib oga dhacay, kan oo dhalisay in uu dib u dhaco ilaa iyo 4:30kii galabnimo ma aysan jirin sabab la taaban karo oo dadwaynihii halkaa isugu yimi oo Muslim iyo gaalaba isugu jiray loo sheegay, xiligaa kadib waxaa biloowday barnaamij dheer oo ay soo diyaarisay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota. waxaa lagu firay Aayado Quraanka Kariimka ah iyo wacdi uu soo jeediyay Sheekh Sayid oo isagu ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Waxaa laga doonayaa ama ay  tahay in uu qofwaliba diyaarsado wixii uu Ilaahii abuuratay la hortagi lahaa oo ay ugu horayso Salaada Rabbi, waxa ugu horeeya ee lagu waydiin doonaa waa Salaada Illaahay hadii aad gudatayna waa hagaag oo weliba sidii ay ahayd aad u gudatay, hadii kalena maalintaa adiga iyo Ilaahay cid idiin kala qareemi doontaa ma jidho, waxa Ilaahay idin faray yeela wixii uu idin ka reebayna ka taga waxaad heli doontaa liibaanta aduunyada iyo tan aakhiro sidan waxaa dadkii kulankaa yimi ku wacdiyay Sheekh Sayid.  

  U Istaagii Calanka.

Wacdigaa ka dib waxaa laguda galay barnaamijkii galabta qaybihiisii kale, waxaa la qaaday heestii calanka Soomaaliya Astaanta u ahayd, dadkii oo dhan baa wada istaagay mar keliya yar iyo wayn, arin yaab badan bay ahady xagayga waayo waxaa qaar kale gadaashayda ka laahyeen calankii mee haloo istaagee, xaguu tagay...Ma Jubba Land. Ma Somali Land. Ma Punt Land... Ma Bay Land Xagee u doonaa inat aynaan istaagin...odayaal kale oo dhainacayga fadhiyay ayaa lahaa war kan Maraykankaa loo istaagay bay Ila tahay an istaagno beeshu maalinkii maanta ahaa wareerkaas ayay ku jireen... Waa sidaasoo xataa markii aan kasoo baxayay goobtaa uu weli murankaa Socday...

Iyadoo taa yaabkeeedii taagan yahay ayaa waxa misana nala soo dersay tii mid kadaran oo waxaa la keenay Ummadd cadaan ah oo tiri waxaan dhigaynaa Riwaayad inteeda badan ku hadlaysay Afka-Soomaaliga, waxaa wada matalayay Soomaali iyo cadaan markii hore ma aanan fahmsanay waxa ay ka hadli doonaan, laakiin mardambe ayaan gartay in waxa ay kahadlayeen ay ahayd dhibaatada isfaham la'aanta dhex taala labadan qurumood ee wada degay.

Arin yaab badan ayay ii ahayd aniga koley,kolkii aan markii iigu horaysay arkay wilisiqo la ameerikaaneyey oo si yaroo siloon loo ciyaarayo....Yaabku keliday ma ahayne waxaa isaguna idhinac fashiyay Saaxiibkay oo aqooon hagaagsan u leh dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida waxa uu i waydiiyay War nin yahow ciyaarta noocan ah maxaa dalkeenii la odhan jiray..waxaan ku iri amaysan jirin saaxiib! allaylehe garatay saxiib tani in aysan ahayn mid ka mid ah ciyaaraheenii hadii ay ahaan lahayd waan garan lahaa! Waxaan ku iri saaxiib amay tahay wilisiqo la maraykaneeyay! Sidaasaa ayaantanba xaal  ahaa bay saaxiibkay jawaabtiisii noqotay! mar dambe hadaan waydiiyay qaar asxaabtii barnaamijka  soo diyaarisay aan waydiiyay waxay ii sheegeen in uu ahaa shaxan gaar ah oo ay qolyihii cadaanka ahaa qorsheeyeen.! Waxaan iri ma anaan garan!

Riwaayadii halkaa lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale ahayd mid aan aad u jeclaystay waayo waxa ay labada beeloodba baraysay dhibaatada kala haysata xaga isfaham la'aanta, waxaana soo diyaariyay xafladaa koox beelaha xaal hoosaadkooda ka warqabta oo lagu magacaabo Project G504.

 Maama Caanood.JPG (611718 bytes) "Illaahay baa inoo maqan" Maama Caanood.

Caasha Cali oo ku magac dheer Maama Caanoo ayaa iyana maalinkii maanta ahaa galka kala baxaday baranbur dheer oo guubaabo ah kan oo ay si gooni ah ugula hadlaysay raga, maxaa yeelay waxa ay si aan gabasho lahayn u qeexday in dhibaatada ka taagan Soomaaliya iyo meelwalba oo ay Soomaaliyi joogto ay tahay mid ay ragu abaabuleen... Waxa ay kasoo bilaawday xasuuqii ka dhacay Soomaaliya horaantii Sagaashameeyadii, kadib markii Doowladii Soomaaliy alaga diray maamulka dalka, dhamaan hoowlahaa ayaad si naxariis daro ah oga qayb qaadateen adinka oo aan u aaba yeeli yar iyo wayn, waayeel iyo wax garad, mutacalimiintii ayad goor barqa ah shidateen..war salka dhulka noo dhiga Illaahay ka yaaba! Hunguri doon ha dhaco! Uur Miinshaar ha dhaco! Xukun doon ha dhaco! Balooy baydh..iyo erayo kale oo xamaasad culusi ka muuqato ayay halkaa kaga hadashay Maama Caanood! hadii ay cabaar hadashay asiise waqti Ilaaliyihii u sheegay in uu watigii ka dhamaaday waxay Maama Caanood  anigu mar hadaan meelahan oo kale imaado la ilama hadlo...Illaahay Nabad Ha Noosoo Yeersho...Aaamiin.

7:35 ayay Abaal marin ay soo abaabuleen isla Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota bilaabatay tan oo la siinayay dad la sheegay in ay guula waawayn usoo hoyeen Jaalaiyada Soomaaliyeed ee Gobolka, Abaalmarinadan ayaa helay ilaa iyo toban qaybood oo dhamaantood ka tirsan jaaliyada waxaa qolyahaa ka mid ahaa SomaliTV oo  isagu laga daawo labadan maagalo ee mataanaha ah laab jeer todobaadkii, iyo xubno kale oo sidaasoo kale la sheegay in ay muhimad u hayaan Beesha Soomaaliyeed ee Gobolka.

  Prof.Galaydh oo ka Hadlaya xafladii 1da Luuliyo.

Mudane Cali khaliif Galaydh oo ay ahady in uu beesha kala hadlo kulankii lagu qabnayay halkaa 7:00 ayaa loo yeeray 8:05daqiiqo si markaa uu halkaa oga jeediyo wax ay Jaaliyadu ugu yeedhay Erayga Xorriyadda.

Galaydh ayaa hadlakiisii ku bilaabay waa Illahay mahadii hadii aan maanta nabad kusoo gaadhnay, maanta gabadhii maalintaa xoriydda dhalatay ee Xoriyo loo bixiyay ayaa jirta ugu yaraan 47sano marka taasiw aa arin hagaagsan markii hadii Illahay cimri nagu soo gaarsiiyay,arintan ayaad moodaa in aysan dad badani dareensanayn qiimaha ay ugu fadhido Ummadda Soomaaliyeed, magarankartaan sababta dalal badan oo aanu isku xili ahayn maanta inaga reebay oo halka aan maanta joogno, waa kaa aan leeyahay ma fahamsana qiimaha ay u leedahay Maalmahan oo kale Ummadda Soomaaliyeed, wax hagaagsan weeye waxa aan maanta samaynaynaa waanan qabaa in aan isxasuusinaa mar hadii uu Illaahay dhibaatadii naga dulqaaday...

Maalmahan waa kuwa aad qaali ugu ah Ummadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay aduunka ka joogaan xataa marka lgu daro kuwa jooga Dalkii. Waxaan rabaa in aan maanta halkan oga mahadnaqo saaxiibkay Maxamed Abshir inkasta oo berigii aan anigu Schoolka aadayay uu ahaa nin isagu maamulka ku jiray hadana waxaan arimo dhoowr ah isla soo wadaagnay isaga iyo dhioor nin oo kale kuligood isagaa iigu gargaar badnaa waanan kaaga mahadnaqayaa..

  Maxmamed Abshir iyo Askar oo wadataagan.

Waxaan idiin shegayaa in Maxamed Abshir uu ahaa ninkii sameeyay Ciidankii Booliska ee ug uadka dhamaan wixii nasoo maray ama xataa mararka qaar Afrika oo dhan lagu tilmaami karo..maanta ciidanka keliya ee dhisan waa Ciidanka Booliska gobol walba oo aad tagtid...waxaana mahadeeda leh Maxamed Abshir Muuse oo isagu hoowshaa bud dhigeedii lahaa Illaahay baan oga rajaynaynaa in uu ka abaal mariyo.

Maanta waxaa dadka intooda badan weliba waxaan la hadlayaa waa aqoon yahankee aragtaa in ay wax walba wax ka sheegyaan 1960 ilaa iyo 69kii waxay ahaayeen beelo ba'ay, kacaankii Oktoobar haba sheegin, dagaal oogayaashii warkoodaba daa, hade kii cartana xisaabtaba kuma jiro...marka yaa hagaagsan waa yahaye? Adigii hadii wax lagu waydiiyo masoo wadid! wax walba oo dhulka dushiisa ka dhacayna wax baad ka sheegaysaa xagee usocotaan!

Waxaan taa oga golleeyahay qofwalba wixii uu galay halagula xisaabtamo oo yaan marnaba loo daynin, islamarkaasna qofwalba wixii wanaag ah, ama ahaa ee uu galay halagu amaano..Kacaankii wuu ixiray hadana waxaan aaminsanahay waxa uu qabtay in cid qabtay aysan jirin, amaba xataa aysan ii muqan! wax wayn baa qabsoomay intuu Kacaanku uu hayay majaraha dalka.

Al MC Farlane Nin Oday ah oo ka socday isbahaysatada madoow

Waxaa taa ii racdaa waxaa jira oo aan anigu ogahay in wax aadan qabsan cid kuu qabnaysaa aysan jirin sidaa awgeed cidna in aan wax ka sicganaa ma ahan qofwalboow waxaad wadankaaga iyo dadkaaga uq aban karto isku day in aad u qabato! hadii qofi kugu yiraahdo aniguu MARAYKANKU iwataa haka yeelin waxba kama jiraan! haduu ruu kugu yiraahdo Itoobiyaa na saacidayn doonyta run ma ahan ee ogoow wax aadan qabsan cid kuu qan doonta in aysan jirin maankiina geliya, war maanta waxaan ka cabsanayaa in uu waqtigu dheeraado oo markaa ay wati badan nagu qaadato sidii dalkaa dib loogu soo celinlaha sida ay Maraykankba ugu qaadatay boqolsandood, Soomaaliya maraykanka oo aan la aqoon ayaanu dad ahayn o ay xamar iyo xamar daye jireen, oo aanu haysanay Demoqoraadiyada ay haystaan maanta mid kun jeerna ka hagaagsan oo aan san ka gelis ahaayn, oo iyagu weliba waqti dambe ayay heleene anagu waan ka horaynay, Maraykanka waxaa markii ug uhoraysay miiska lasoo saaray qaanuun si dhan dadku ay u simanyihiin sida la sheegay sanadkii 1789kii, kahor laakiin dad aad u yar ayaa heli jiray wixii ay u yaqaaneen Dimoqoraadiyadda.

Dadkeena iyo dalkeenaba waxa ay xiligaa hasyteen karaama aysan cdikale helin weligood, dadkeenu waxa ay ku hadlaeen sadex luqadood Carabi, Ingiriisida, iyo weliba Talyaani. war dadkaasu waxbay qabteen wixii ay qabteen aan u qirno oo yaynaan ka dhigin hal bacad lagu lisay,dalkan aad arkaysaan markaad ka hadlaysaan jiritaankiisa dib ugu laabta ilaa 1300kii, xiligaa Amerikana ma jirin lama aqoonin xataa.

SomaliStar oo Joogay Halkii lagu dhigayay xafladda

War Soomaaliyeey Musiibaa nagu habsatay waataa dadkeenii meelwalba dad sanyahay oo sidii dadkii qulqulayo, waxaan maalin dhawayd tagay Holond, waxaan arkay caruur yaryar oo derbiga ku dhagan oo la baafinayo, waxaa caruurtaa oo cadaan u badnaa iiga dhex muuqatay gabadh yar oo Soomaali ah oo magaceedu ahaa Sareedo, Sareedo waa Todobo jir, waa la waayay waxaa ka badan taa maxamed-ka iyo maryanta aan la ogayn ee lawaayay...tan waxaan kasoo waadaa hooyooyinku waxa ay bulshada oga dhigan yihiin sida udub dhexaad aan la loodin karin hoowshaa adinkaa awalba reerka u ahayay..Waxaan idin leeyahay halkiinaa kasii wada...

Waxaan wax yar dib ugu laabanayaa walaalayaaloow cid noo maqan ma jirto waxaynaan qabsana cid noo qaban doonta ma jirto fadlan intaan isu tagno bal aan iswaraysano oo isku dayno in aan xalino oo xal u helno dhibaatadan aadka inoo saamaysay...Illaahayoow Ma Soo gaadhsiiyay! Illahayoow Ma Soo Gaadhsiiyay! Illaahayoow Ma Soo Gaadhsiiyay Illaahayoow Marqaati ka Noqo Hadaba!

 

SheriffOsman

editor@somalitalk.com

University Of Minnesota

June 25, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com

_________________________________________________

WARBIXINADII HORE EE SOOMAALIDA MINNESOTA.

fadlan booqo maanta si aad u ogaato, ama aad oga hesho warbixin Soomaalida ku dhaqan Gobolkan Minnesota.


Booliska Minnesota oo Soomaalida kala hadlay arimo la xiriira Dilkii Abu-Qaasim jaylaani
Kalfadhi ay galabnimadii sabtida qabteen Booliska Minnesota ayey ku... AKHRI.HALKAN


Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN


Jaaliyada Soomaalida Minnesota Xagee Kudambayn Doontaa
Warbixin dheer oo kusaabsan kulan ballaaran oo looga dooday midaynta jaaliyadaha Soomaaliyeed GUJI.HALKAN

Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...    GUJI.HALKAN 


Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN

Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya.. AKHRI.HALKAN

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN

Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi Cabdulaahi Maxamed,


Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN 

Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN 

SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo booqo maanta


WARARKA KALE EE JUNE  

MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN a
HAMBALYO: Bogga Hambalyada Ardayda Soomaaliyeed


Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida

SWEDEN - Kullan si aad ah loo soo abaabulley oo ay ka soo qeyb galeen muslimiinta ku dhaqan degmada Borlänge iyo siyaasiyiinta xisbiga shaqaalaha ee ... GUJI.HALKAN


Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...


Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 


Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...


Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 


BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 


DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA


DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 


DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 


DADAALKA SOOMAALIDA INDIA


MAXAA ISLAAMKU KA YIRI MOWLIIDKA NEBI MUXAMMED (SCW)
[waa cod] ee Ka dhegeyso Masjidka Khalid Bin Waliid ee Toronto


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.