Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SOOMAALIYA
Ra'iisul Wasaaraha DKMG Ah Maanta Ka Dhoofay Magaalada Muqdisho.


 I   I  D  H  E  H 

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


A. D. | weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

Agoosto 2, 2002 

Md. Xasan Abshir Faarax, Ra'iisul wasaaraha dawladda KMG ah, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka boqortooyada Sucuudiga, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xasan Abshir uu socdaalkiisu quseeyo arimo ku soo kordhay caafimaadkiisa.

Md. Xasan Abshir wuxuu sii mari doonaa dalka Kenya iyadoo warar ku dhodhow Ra'iisul wasaaraha ay sheegayaan in uu la kulmi doono guddiga qabanqaabada shirka dhowaan la filayo in ay marti galiso dawladda Kenya.

Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar

Guddigii farsamo ee ay IGAD u soo dirtay dalka Soomaaliya si ay u darsaan dhinacyada isku haya Soomaaliya, ayaa maanta gaaray gobolka Sh/Dhexe, magaala madaxdiisa Jawhar, halkaas oo ay kula kulmi doonaan guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolkaas Md. Maxamed Dheere.

Guddiga ayaa la rajaynayaa inay kala hadli doonaan Maxamed Dheere arimo quseeya shirka Nairobi ka dhici doona bisha September ee sanadkan aynu ku jirno, guddiga ayaa usii kicitimi doona gobolo kale oo dalka ka mida sida Puntland, oo ay iskaga soo horjeedaan Col. C/laahi Yuusuf iyo Col. Jaamac Cali Jaamac.

Si kastaba ha ahaatee, waxay guddigani sii uruurin doonaan warbixino ay u gudbin doonaan qaban qaabiyayaasha shirka intaan la gaarin bishan September oo caasha nagu haysa, Waxaa muran weyn uu ka dhex jiray dawladaha IGAD oo iyagu isku khilaafsanaa, qaabka looga soo qayb galayo shirkan iyo cidda mudan in lagu heshiisiiyo, maadaama ay samaysmeen ururo iyo axsaab fara badan oo dhowaan looga dhawaaqay dalka gudihiisa ka dib markii la maqaly in Soomaalida mar kale loo qabanyo shir dib u heshiisiineed. Kooxda SRRC ee lagu soo dhisay Hawaaze ayaa aaminsan in cidda xaqqa u leh inay shirkan ka qayb gashaahi ay tahay SRRC iyo xukumadda KMG ah, oo ay iyagu ugu yeeraan kooxda Carta.

Dhinaca kale, xisbiyadan hadda samaysmay ayaa iyaguna imminka ku dooda inay xaq u leeyihiin ka muwaadin ahaan inay samaystaan xisbiyo ayna qayb libaax ka qadan karaan samata bixinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waa sida ay hadalka u dhigaane.

Ilaa iyo hadda ma cadda dhinacyada ka qayb gali doona shirkan, oo inta badan ee dadka siyaasada indha indheeya ay ka dayrinayaan waxa ka soo bixi kara shirkan, iyagoo taas sabab uga dhigaya ismaandhaafka ka dhexeeya qolada IGAD oo iyadu hormuud ka ah xallinta mashaakilaadka Soomaaliyeed.

Dawladda KMG ah ee lagu soo dhisay Carta, ayaa in badan ku celcelisay inaysan aqbalayn sida Itoobiya oo ka mida wadamada safka hore ee xalinta dhibaatada Soomaliya, ay wax u doonayso oo ah in laga soo bilaabo shirka meel eber ah, dawladda KMG ah ayaa taas ka soo horjeesatay kuna adkaysanaysa ilaa iyo hadda inay shirkaas tagi doonaan iyagoo dawlad Soomaaliyeed ah.

Si walba ha ahaatee, waxaa imminka laga wardhowrayaa bal wixii ka soo baxa shirkaas, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay horey ugu hungoobeen dhowr iyo toban shir oo ka horeeyey midkan hadda la qaban doono.

Mogadishu Weekly Reporter A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com 

 SomaliTalk.com | August 2, 2002
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

###

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7
C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI
....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI. 
July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN:
Billada iyo Ra'yiga


Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada 


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.