SOMALITALK.COM  


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
KHUBARO SWEDISH AH OO KA DIGTEY ISTICMALKA KOMBUUTARKA

Isticmaalka Kombuterka gacanta (Lapp Topp) ayaad moodaa inuu si aad ah u kordhayo maalinba maalinta ka dambeysa, waxayna Qubaro badani sabab uga dhigeen waxyaalo farabadan haba ugu horeysee sahalka habda meeshii la doono loo qaadan karo, fududeykiisa, iyo Shabakada Caalamiga oo loo adeegsan karo ayadaan loo baahneyn wax xiriir kabel ama Fiilo ah, oo  meelkasta oo la joogo la awoodi karo in la dhex mushaaxo shabakada Internet-ka loo yaqaan.

Inkastoo qiimihiisu uu aad u sareeyo marka la barbardhigo Kombuutarka caadiga ah ee aan la qaadan karin hadana dadku waxay u xiiseeyaan si aad ah.

Horumarka Tiknoolajiyada casriga ah ayaa dad badani aaminsan yihiin inay mareyso meeshii ugu sarreeysay inta la ogyahay, ayna khasab tahay inay markaan tahay markii laga yaaci lahaa, iyagoo cuskisiinaya maahmaahdii Soomaaliyeed ee oreynaysay ”DARANDOORIYAABA NAASI-NAASI” . Machadka Nolosha Shaqaalaha ee Sweden ayaa daaha ka roggey khatarta caafimaad ee uu leeyahay Kombuutarka Gacanta lagu qaato, waxayna sheegeen inuu leeyahay gacmo xanuun, madax-xanuun iyo indho xanuun saa’id ah.

Alan Toomingas oo macahadkan ka tirsan ayaa ka digay isticmaalka farahabadan ee aaladaan iyo qofka markuu hayo shaqo culays badan oo keeni karta welwel iyo kurbo  farabadan inuusan isticmaalin. Hadiise wakhti yar oo kooban la isticmaalayo dhib ma leh ayuu yiri.

Lap Top Dhibaatada kombuutarka gacanta lagu qaato waxay ka timid shaashada (monitor) iyo teebka (Key-board) oo aan waxba u dhaxeyn oo isku dhegen, khatartaana waxaa lagu yareen karaa ayuu yiri Alan mar uu waramayey warsidaha Dagens Nyheter in qofku isticmaalo shaashad (monitor) iyo Teeb (Key-board) kala qeybsan oo aan isku ool.

Khatartan laga digayo ayaa moodaa inaysan saameyn weyn ku yeelen Soomaalida iyo qaxootiga ku dhaqan wadankan, maadaama aysan inta badan awoodin inay iibsadaan aaladaan oo aad qaali u ah oo ay inta badan Isticmaalaan Kombuutarka caadiga ah.

C/xakiim Axmed Guuleed
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com
 

MAY 29, 2002

. BULSHADA AYNU LA NOOL NAHAY AYNU KA QAADANO WIXII NA ANFACA [DENMARK]

BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM
Waxaa 18 kii Maajo lugu dabaacay SomaliTalk war kusaabsan wadahadal dhaxmaray Xafiiska Ajnabiga ee Borlänge iyo Ururka Geeska Afrika kaas oo.. GUJI.HALKAN  24/5
» APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA
Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.