KULAN DHEXMARAY QEYBTA QAXOOTIGA IYO URURKA DHAQANKA
GEESKA AFRIKA EE DEGMADA BORLÄNGE SWEDEN
MAY 18, 2002
Kulan aad u xiiso badan oo dhexmaray maamulka
qaxootiga Borlänge iyo Soomalida ku dhaqan magaaladaas oo uu soo
qabanqaabiyey ururka Dhaqaka Geeska Afrika ayaa noqday midkii
iigu horeeyey oo noociisa oo kale ah oo aan ka
qeybgalo. Is-barasho guud ka dib waxaan gudo galnay
inaan cuno cunto Soomaali ay soo diyaariyeey haween
Soomaali iyo Swedish-ba isugu jira, intaa ka dib waxaa
hadalkii furay gudoomiyaha ururkaan C/qaadir Maxamed
Axmed (Cag-ma-dhige) waxuuna faahfaahiyey mudadii
gaabneyd oo uu ururkan jiray iyo howlihii uu u qabtey
dadka Afrikaanka ah ee degen degmadaan iyo gaar ahaan
Soomaalida, waxuuna xusay barashada Diinta Islaamka,
Dhaqanka, Afka-Soomaaliga, Barashada Computarka iyo
dumarka oo inta badan Isticmaala Internet Bilaash ah
iyo raga oo iyagana ka faa’iideystay fursadaan.
Malika Hellberg
Jakob Snoder
|
Waxaase si aad ah ii soo jiitey kolkii ay Malika
hellberg oo Swedidh ah ay ku hadashay magaca dumarka
Soomaaliyeed iyadoo sidatey dharkii lagu yaqaanay
hablaha Muslimiinta gaar ahaan kii soomaalida, ayey
waxay aad ugu dooday in dumarka oo dhan iyadoon iyada
iska saareyn inay caruur badan heystaan aysana suurta
gal ahayn inay meelo fog fog u doontaan tabarka tolida
dawaarada, barashada Afka-wadankan iyo baahida
balaaran oo ay dumar ahaan u qabaan inay korosadaan
aqoonta kombuutarka.
U qeybsanaha arimaha qaxootiga ee degmadaan Jokob
Snoder ayaan weydiiyey sida uu arko la shaqeynta
ururada Soomaalida iyo shaqo la’aanta haysa halka ay
ka timid , waxuuna ii sheegay inuu si aad iyo aad ah
ugu faraxsan yahay horumarna ay sameeynayaan inkastoo
uu ii sheegay inay jiraan ururo gaaraya 5-6 oo ay
fiicnaan lahayd inay Soomaalidu sameytaan hal urur oo
awood leh oo ay danahooda ku Ilaashadaan, sida ayuu
yiri shaqo la’aanta heysata Soomaalida oo ay shaqo
bixiyayaasha Swedish-ka ay midab-takooreyn gaar ahaan
waliba dumarka oo aysan kala daadsanaan ku daweyn
karin, isutaguna sidaad ogtahay waa owood.
Malika Hellberg ayaa ugu dambeyntii iyadoo ku hadlaysa
magaca dumarka Soomaalida waxay ka codsatey in il-gaar
ah lagu eego dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed oo inta
badan aysan sahlanayn inay helaan baahida ay u qabaan
inay horumariyaan aqoontooda gaar ahaan tan casriga ah
ee tignoolijiyada.
C/qaadir Cag-ma-dhige oo ah gudoomiyaha ururkaan ayaa
ku doodaya in Swedish-ka iyo ajaanibta degan Borlänge
ay laftigooda leeyihiin ururo aad u farabadan, hadana
si kastaba ha ahaatee waxaa wax lala yaabo ah in ay
degmadaan degan yihiin dad Soomaaliyeed oo gaaraya 250
qof oo marka laga reebo 50 qof inta kale ay yihiin
caruur, marka aad 50 qof u qeybiso 6 urur waxaa kuu
soo baxaya in Soomaali sida badan inay aad iyo aad u
kala qeybsan yihiin taasina aysan suurta gal ka dhigi
karin inay danahooda guud ilaashadaan.
Ururkaan ayaad moodaa inuu ka duwan yahay ururada kale
ee degmadaan ka jir iyo kuwe kale oo Soomaalida Sweden
leedahay maxaa yeelay waxay si firfircoon uga
qeybqaateen siyaasada degmadaan oo ay kursi ku
leeyihiin baarlamaanka degmadaan iyo wada shaqeynta ay
la leeyihiin muslimiinta ku dhaqan degmadaan iyo
xubnaha oo ay ka mid yihiin Swedish iyo Afrikaan
kaleba siduu ii sheegay C/qaadir Maxamed Axmed
(Cagmadhige)
C/xakiim Axmed Guuleed
Stockholm, Sweden
guledhakim@yahoo.com
HOOYO QIRATY INAY DISHAY LABO CUNNUG
Dilkii loo geystay Ilmo yar oo meydkiisa lga helay
buurta Gustaf ee ku taala dibadda caasimada Sweden
Stockholm ayaa la xaliyey. Ilmahaan yar ayaa la dilay
mar xafladi ka jirtey buurtaan.
Hooyo 30-dameeyo jir ah ayaa qiratay shalay inay
dishay cunugaan, halka cunug kalena meydkiisa laga
helay Firintijeer u yaalay haweenaydan gurigeeda mar
ay boliiska baarayeen gurigeeda.
Hooyadaan oo aan magaceeda la shaacin ayaa ka
dambeysay dilka labadan sebi sida ay sheegeen boliiska
Nacka, ilaa iyo hada lama yaqaan sababta ku kaliftay
hooyadan inay disho Ilmaheeda iyaduna maysan cadeyn
sababta ku kaliftey dilkaan foosha xun.
Xeerilaaliyaha ayaa ku soo oogay hooyadaan dil labo
caruur ah. Caruurta aabahood ayaa waxuu isuguna ku
raagay shaqo la’aan sida ay sheegeen xafiiska
kaalmeeyo dadka faqriga ah ee aan is dabari Karin ee
Soomaalidu u taqaan Ceyrta oo uu ka tasinaa in mudo
ah. Hooyadaan ayaa iyadu shaqo haystay kana
shaqeynaysay xafiis Ganacsi.
Dhankale haweenaydaan ayaa ku guulaysatey inaan cidina
ogaan uurka ilmaheeda ay dishay, xitaa shaqaalaha ay
la shaqeynaysay, eheladeeda iyo saaxiibadeed ayaan
ogaan inay uur leedahay iyo in kale.
Ilmahaan ayay u dhaxaysay qiyaastii hal ama labo sano
lamana garan ilaa hada inay yihiin lab ama dhadig,
waxaana loo gudbiyey Dhaqaatiirta si ay u cadeeyaan
sidaas waxaa yiri Jan Ullen oo ka tirsan boliiska
Nacka.
Waalidka isku daya dilka caruurtooda ayaa beryahaan
denbe si aad ah oo lala yaabsan yahay ugu soo batey
dalkan, sababta ku kalifta ayaa ilaa hada la fahmin,
iyadoo dadkaan intooda badan ay leeyihiin aqoon sare
oo ayba qaarkood yihiin Dhakhaatiir takhasus sare leh.
Waxa kaliya oo la ogyahay in karkabada ama xasilooni
darada (stress) ay ka mid tahay sababaha waaweyn ee la
ogyahay.
C/xakiim Axmed Guuleed
Stockholm, Sweden
WARBIXINTII BORLANGE... GUJI
|