Make your own free website on Tripod.com


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Madowgii Maraykanka Oo Markii Ugu Horaysay u dabaaldegay Maalinta Qaranimadda Soomaaliya. 

Sugaanta Soomaalidu waa hibo Rabbi, dhanwalba ka eeg Dhaqan, Dhaqaale, Siyaasad. 
Al McFariane/CEO Insight News.

  Odayaal ka tirsan Jaaliayada Soomaalida oo la fadhiya wakiilka waaxda socdaalka iyo madaxa wargayska INSIGHT-ka ku hadla magaca bahda madow ee magaaladan Minneapolis.

Marti udhalatay Bahda Cadaanka ee Gobolkan MN
Minneapolis, Minnesota| Waxaa maanta markii ugu horaysay si muuqata ay ugu dabbaaldageen Maraykanka madoow ee u dhashay dalkan Maraykanka Maalmaha qaranimadda Soomaaliya oo ku kala beegan 26ka Juun iyo 1da luuliyo, malmahan oo si aad ah ay Soomalidu uhadal hayaan marka lasoo gaaro xiligan ama lagu soo dhawaado maalmahan oo kale, waxa ay sida badan arintan caadi u ahaan jirtay in ay dib u xasuustaan  Dadka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan maalintii Ilaahay uu duligii gumaysiga ka dulqaaday islamarkaana siiyay xoriyad balaaran oo ay  ku dhaqaaqi karaan ka talinta ayaahooda iyo ku hagida bulshadooda mustaqbal fiican oo abda leh, Saaka ayaa hadaba waxaa lagu qabtay xaflad aad loosoo abaabulay Lucille's Kitchen tan oo ay kasoo shaqeyeen dadka Madoow ee u dhashay dalkan Maraykanka, kuwan oo isugu jiray Madax, Macalimiin, barayaasha Jaamacadaha, madax ka socotay doowlada iyo weliba dhaaliinyaro cadaan ah oo iyagu hugunka soo raacay. 

Dabbaaldegan oo uu martigeliyay Al McFariane madaxa Insight News ayaa bilaawday 9:00kii aroornimo ee waqtiga Minnesota kan oo  socday tan iyo xiligii duhurnimadii, barnaamijkan maanta oo uu daadihinayay qoraa sare oo ka tirsanaa isla wargayska ayaa u dhacay si aad u yaab badnayd, tan oo ay jeclaysteen dhamaan bahwayntii  kasoo qayb gashay, hadii markaa ay noqon lahaayeen jaaliyadaha  Soomaalida ama xataa Jaaliyadihii kale ee isugu yimi halkaa, kaba sokow martidii ka hadshay kulankan waxa uu qofwaliba ka marqaati kacayay in  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkan Minnesota ay maanta ka duwan tahay ama ay ka gudubtay wax la iska indha tiri karo oo markaa aan mizaan ku lahayn bulshada gobolkan ku nool.

Bilowgii barnaamijka waxa ay codsadeen qaar ka mid ahaa ragii xaflada soo qabanqaabiyay in si wada jir ah loo qaado heesta calanka Soomaaliya, sacab iyo xamaasad aanan somaalida qudheeda beryahan  dambe lagu arag ayay ku taageereen aragtidii uusoo jeediyay aqoonyahankaa reerka udhashay, heestii calankoo in aad  si aad ah ugu fiirsato mooyee aadan garan karin ayaa halkaa qac looga siiyay si wada jira ah Madowgii Maraykanka iyo Jaaliyaddii Soomaalida ee kasoo qayb galay xafladaa, sida dad badan oo labada jaaliyadoodba ka tirsani ku tilmaameen taasi waxa ay ahayd talaabo horumar leh oo xaga hore loo qaaday waa marka laga hadlayo isutaga bahaha madoow  ee kuwada dhaqan gobolka..

Nimco oo ahayd iyaduna gabar Soomaaliyeed oo kasoo qayb gashay barnaamijkii saaka ayaa uu ka codsaday nin dhaliinyaro ah oo ka tirsanaa qolyaha abaabulka in ay u badasho af-ka ingiriisida markaa wixii ay heestaa calanku lahayd, si bilicsan oo aanu dhamaanteen jeclaysanay ayay hoowshaa oga soo dhalaashay, sacab iyo sawaxan baa xigay.

Islagoobtaa waxaa laga akhriyay gabayo ku baxayay af-ka Soomaaliga waxaan ka xasuustaa "waxaan music qaadin karin gabayga Soow ma ahan" kan oo aan filayo in uu leeyahay Abshir Nuur Faarax "Bacadle". kuwan oo uu ka warbixnayay nin isaguna qolyaha qoraalka ah oo u dhashay bahda madoow ee gobolka.

Nin dhaliinyara ah oo ka tirsan bahaha madoow ee dega Afrikada Wuqooyi "IvoryCost" 
Prof.Mohamud FORT VALLEY State University.
Intaa kadib waxaa qalabka warbaahinta lagu soo dhaweeyay Mr.Siciid faahiye oo ka hadlay taariikh koobnayd tan oo uu marti sharafta ku kaabayay aqoonta ay u leeyihiin Soomaaliya iyo Soomaalida, dadbadan baa usoo dhintay, dagaalo iyo kacdoomo badan kadib waxaa Soomaaliya si dhan xoriyadeedii loo siiyay 1dii July, 1960kii, tanoo buu yiri Ilaahay mahadii aanu ka hantinay cadawgii Ummadda Soomaaliyeed, halgankii Taariikhiga ahaa ee ay Soomaalidu soo martay ma ahan wax lagu koobi karo fadhigan yar, waxasne rajaynayaa in aan mid kan ka balaaran ku kulano.

Maalinka maanta ah looma kala harin dhamaan inta sheegata bahda ummaddaha madoow ee ku dhaqan dalkan Maraykanka, xataa marka lagu daro Afrikaanka aan horay u joogi jirin ee imika yimid halkan Maraykanka, ama waxbarasho ha u yimaadaan ama dano kaleba e, waxaa qolyahaa ka mid ahaa nin dhaliinyaro ah oo ka tirsan mid ka mid ah kooxaha ugu caansan xaga Musica gobolkan Minnesota oo isagu yimi kagana soo qayb galay xafladan koox musica garaacda kuwan oo marwalba dadka u tumayay hadba markaa meeshii la marayo ama bahahaa madmadoow ee isu yimi marba tan lasoo gaaro dhaqankeeda iyo hidaha ay leedahay.

Khudbadihii laga soo jeediyay halkaa maanta intaa oo kaliya kuma aysan ekayn ee waxaa kaloo ka hadlay Odayaal Soomaaliyeed oo ka tirsan Jaaliyadaha Somaalida Minnesota, Inkasta oo wax aad loola yaabo ay tahay marka ay halkan marayso in dadka dunidu maanta ay isu-bahaystaan midab, anaguna hadaan nahay Soomaalida, inagoo Dhaqan, Diin, iyo Dadnimo kaleba wadaagna, xidhiidhka hoose iyo xididnimaduna noo dheertay samaysanay ilaa iyo kumaanaan reerood oo dhamaantood soo kala horjeeda, xataa markii aan nimid dibadaha oo la islahaa alaylahe taa la arag, qof dambe oo u xiisa qabaa ma jiro, ayaad aragtaa iyadiiyoo magacii loo qurxiyay "Community-yada Soomaalida". Ka  raali ahaada maanta oo dib looga sheekaynayo xiligii xoriyada Soomaalida iyo dhibtii loosoo maray in aan aniguna dib u daqniyay nabar in badan oo inaga mid ahu dawadiisa raadinayaan, halka qaar kale oo badanna ay doondoonayaan shidaalkii lagu sii hurin lahaa "Qofwaliba waxa uu gaysto unbaa  laga gudayaa" 

"Xoriyadii waan qaadanay inkasta oo aysan jirin hadaba wax xor ah" sidan waxaa yiri Abwaan Siciid Saalax oo markii ugu horaysay ku daabacay qoraal aad u qurux badnaa INSIGHT NEWS, kan oo uu oga waramayay sida ay Soomaalida maalintan usoo hadalqaadaan ama ay dib ugu xasuustaan. Anigoo qoraalka sida uu uqoraa la yaabanaa ayaa misana waxaa iga sii yaabiyay qoraalka oo Af-ka Soomaaliga ku qorraa halka uu wargayskuna kusoo baxo Af-ka Ingiriisida,  Waa maalin aad u qiima badan oo ay tahay in Ilaahay looga mahadnaqaa galladaa uu ina siiyay markii uu cadawgiisii iyo cadawgeena naga dulqaaday, sidan ayay Soomaalidu usoo hadal qaadaa inta badan marka ay ka sheekaynayaan maalmahan taariikhiga ee soo maray.
  Samatalis / University Of Minnesota

Arin xusid mudan bay ahayd tii maanta ay bahaha madoow ee wada degan gobolkan Minnesota kuwa u dhashay iyo kuwa qaxa ku yimidba isku arkeen, kulanka halka lagu qabtay ma aysan jirin habayaaatee wax raashin ah oo la ogalaa in dibada lagala soo galo, tan ayaa iyadu ah mid indhahayga aad usoo jiidatay, oo halkan Maraykanka gaar ahaan hadii quud bilaash ah meel lagu sheego waa loo tartamaa dhamaan yar iyo waynba.   

Ardayda qudhooda ka yimi bahahaa madoow ee Gobolkan Minnesota ayaa kasoo qayb galay xafladan, kuwan oo qaar iyaga ka mid ah mar aan la kulmay ii sheegay in ay maanta wax badan ka barteen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan. "Wax badan kama ayanaan aqoon Soomaalida nala degan gobolka, laakiin maanta is aragan waxa uu inoo faa'iideeyay wax wayn, waxaan u haystay goor hore gumaysigu in uu intiisa badan anaga nagu dhacay, imikase waxaan ogaaday in ay ahayd wax loo sinaa iyo weliba in gardaradu cariga wada saamaysay" sidan waxaa tiri Ms.Joan oo ka socotay Minneapolis Public Schools.

Isku soo wada duub, dad badan ayaan maanta dhagahoodu maqli karin dib uxusuusashada xoriyadii Soomaaliya ay ka qaadatay gumasyigii bahdilay Ummadda Soomaaliyeed, kadib markay arkaan sida halgankoodii iyo mirihii halgankooda loo dooriyey. Meeye? bal waydiiya kuwii adinka idinka horeeyay qax bay dalkan ku joogaan.

 

SheriffOsman

Lucille's Kitchen
North Minneapolis. 

editor@somalitalk.com 

TAARIIKH KOOBAN EE SOOMAALIYA GUJI.HALKAN

Warka: June 25 | Daabacaad June 26, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com

WARBIXINADII HORE EE SOOMAALIDA MINNESOTA.


Booliska Minnesota oo Soomaalida kala hadlay arimo la xiriira Dilkii Abu-Qaasim jaylaani
Kalfadhi ay galabnimadii sabtida qabteen Booliska Minnesota ayey ku... AKHRI.HALKAN


Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN


Jaaliyada Soomaalida Minnesota Xagee Kudambayn Doontaa
Warbixin dheer oo kusaabsan kulan ballaaran oo looga dooday midaynta jaaliyadaha Soomaaliyeed GUJI.HALKAN

Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...    GUJI.HALKAN 


Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN

Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya.. AKHRI.HALKAN

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN

Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi Cabdulaahi Maxamed,


Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN 

Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN 

SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo booqo maanta


WARARKA KALE EE JUNE  

MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN a
HAMBALYO: Bogga Hambalyada Ardayda Soomaaliyeed


Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida

SWEDEN - Kullan si aad ah loo soo abaabulley oo ay ka soo qeyb galeen muslimiinta ku dhaqan degmada Borlänge iyo siyaasiyiinta xisbiga shaqaalaha ee ... GUJI.HALKAN


Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...


Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 


Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...


Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 


BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 


DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA


DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 


DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 


DADAALKA SOOMAALIDA INDIA


MAXAA ISLAAMKU KA YIRI MOWLIIDKA NEBI MUXAMMED (SCW)
[waa cod] ee Ka dhegeyso Masjidka Khalid Bin Waliid ee Toronto


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.