Make your own free website on Tripod.com


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

BBC-du Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa.                      Yusuf Garad


Astaantii BBC-da ee uu Garad ku qaybiyay Minneapolis.

Minneapolis, Minnesota | Wax loo maleeyay shir jaraa'id asiise ka ujeedo iyo salbalaarnaa, kan oo goortii dambe lakala saari waayay sababta iyo macanaha loo qabanayay, hadiise la goostay in la qabto oo ay dhacdayba loo doortay Jaamacadda Minnesota, arimo dhoowr ah oo is-huwan kuwan oo inbadan oo dhalinta ah jaha wareeriyay ayay ahayd tii galabta aanu la  kulanay kadib markii aniga iyo dhoowr dhaliinyaro ah oo ila socday aan isku sii qaadnay qol ka mid ah qolalka Jaamacada Minnesota, wax ogaysiis ama marti qaad ah oo aan helnay ma aysan jirin, dhalinta magaaladda wax ogaana warkeedaba daa, Yusuf Garad oo aan in mudo ahba ka maqlayay codkiisa Idaacadda  Codka Gumaysiga Siloon ee loogu yeero BBC-da ayuu ahaa ruuxii madashaa dhabar iskataabashadda loo caqiday, dhaliinyaro badan oo arday ka ah Jaamacadda Minnesota oo aan dariiqa kusoo arkay sidaydaas oo kale iyaguna wax war ah oo ku jeeda madashan ma aysan qabin.

Soomaalidu waxay tiraahdaa war la ogyahay xiiso ma leh, waxaan u haystay in ay tani tahay sideenii iyo shirarka tirada badan ee todobaad walba lagu qabto Minneapolis, laakiin markii aan xoogaa dhagaystay sidii ay u soconaysay madashan ayaa dareen  ka dhashay indha iskatuurkii Garaad  iqarqiyay, waxaan u haystay mar hadii Soomaalidu inteeda badan akhriska iyo qoraalka baratay in aynu si dhan u fahamnay in aan cidna wax aan qornayn loo sheegi karin..laakiin waxii aan kusoo arkay galabta halkaa ee Garad afkiisa ka deganayay yaab yaab iyo anfariir leh.

Hadalka oo intiisa badan ku socday amaanta BBC-da ayaa hadana aad moodaa in uu Garad si aan gabasho lahayn usoo bandhigayay aragtida gumaysiga iyo sida uu doonayo in uu inta uu ka gaaro geliyo fikradaha soo kala horjeeda ee lagu kala dilayo Ummadda Soomaaliyeed.

Inkasta oo ay u muuqatay ujeedada bal in uu Yusuf Garad madasha keeno ka hadalka BBC-da iyo uruurinta fikradaha ay Soomaalidu ka qabaan taa, waa sida la malaynayo e. Hadana dhaliinyaro Soomaaliyeed oo aad khayrka iyo Soomaalinimaduba ugu wayn tahay oo aan ku kulanay halkaa marnaba kama aysan gaban in ay waydiiyaan Su'aaliba su'asha ay ka adagtahay marka laga hadlayo wixii uu Garad galabta lasoo shir tagay.

Gabadh ardayda Jaamacadda ahayd ayaa waydiisay mid ka mid ah su'aalihii ugu mudnaa ee ay ahayd in la waydiiyo waxay tiri: Maxay ahayd ujeedadii uu gumaysigu ka lahaa waqtigii uu aasaasayay BBC-da qaybta ku hadasha Afka Soomaaliga...Waxa uu ku jawaabay BBC-da waxaa loo asaasay in ay fikradaha  Ingiriiska gaarsiiso meelwalba oo dunida ah iyadiiyoo ku hadlaysa ilaa iyo dhoowr iyo afartan luqadood, anaga hadaan Somali ahaan isaga hadalno..isugu kaa mid ma ahan qofka kugula hadla afkaaga iyo kaan kugula hadlin..Tusaale ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska keebaa kuu dhow? kan ku hadla afkaaga soow ma ahan!  Haa,  waxaan xasuustaa nin Soomaali ah oo la waydiiyay xiligii gaargaarka Soomaaliya ay u tagtay UN-ta, hadii dalalkii kale oo dhan ay noo yimaadeen oo ay gargaarayaan Soomaaliya maxaa ku dhacay oo uu Ingiriisku oga qayb qaadan waayay hoowsha gargaarka, waxa uu bixiyay jawaab aad looga helay, wuxuu yidhi  qolyahan noo yimi waxa ay naga quudinayaan Jidhka iyo dhismihiisa, Ingiriiskuna waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga.

Mar wax laga waydiiyay Yusuf Garad hadii Soomaaliya maanta ay ka baxday indha-kuhaynta  iyo ka warqabkii aduunku u hayay sidee baad u malayn kartaa in taa dib loogu soo celin karo ama mar kale gargaar iyo dib u heshiisiin ay oga heli karto dunida...Waxa uu ku jawaabay si weliba jeesjees ba'ani ka muuqdo Bin Laadin doona inkasta oo beryanba lagu sheegayay Soomaaliya xeebaheeda.

Isla madashaa waxaa wax laga waydiiyay Garad xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya maanta ay ku sugantahay iyo sida qolyaha usoo xooraamiya arimaha qarsoodiga ah ee Soomaaliya, waxa uu oga jawaabay...meelwalba imika Soomaaliya waa nabad oo keliya waxaa beryahan dhibaato ka taagnayd gobolka Gedo iyo Muqdisho oo iyadu aysan dagaaladu kaba dhamaanba.

Siday dooniba ha noqotee waxaa uu Yusuf Garad olole wayn beryahanba ugu jiray sidii  afkaarta Gumaysiga loo gaarsiin lahaa Soomaaliyi meel ay joogtaba, gaar ahaan dalkeenii Soomaaliya oo sida in badan oo Soomaali ahi ogyihiin  in ay BBC-du qaadatay qaybta  ugu wayn ee burburkii Soomaaliya, waxaad la wada socotaan intiina ka warqabta  BBC-da in uu gobolo badan oo dalkeenii ah ka hirgeliyay ka dhagaysiga BBC-da muujadda FM-ka ee fasiixa ah. 

Isku soo wada duub BBC-da iyo shaqaalaheeda ayaa ka dhigan halkii geedka iyo masaartu kuwada hadleen ee uu geedku yidh "Masaareey saas iima aadan gooyseen hadaan gabalkey kugu jidhin".  

 

SheriffOsman

editor@somalitalk.com

University Of Minnesota

June 25, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com

_________________________________________________

WARBIXINADII HORE EE SOOMAALIDA MINNESOTA.

fadlan booqo maanta si aad u ogaato, ama aad oga hesho warbixin Soomaalida ku dhaqan Gobolkan Minnesota.


Booliska Minnesota oo Soomaalida kala hadlay arimo la xiriira Dilkii Abu-Qaasim jaylaani
Kalfadhi ay galabnimadii sabtida qabteen Booliska Minnesota ayey ku... AKHRI.HALKAN


Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN


Jaaliyada Soomaalida Minnesota Xagee Kudambayn Doontaa
Warbixin dheer oo kusaabsan kulan ballaaran oo looga dooday midaynta jaaliyadaha Soomaaliyeed GUJI.HALKAN

Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...    GUJI.HALKAN 


Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN

Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya.. AKHRI.HALKAN

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN

Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi Cabdulaahi Maxamed,


Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN 

Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN 

SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo booqo maanta


WARARKA KALE EE JUNE  

MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN a
HAMBALYO: Bogga Hambalyada Ardayda Soomaaliyeed


Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida

SWEDEN - Kullan si aad ah loo soo abaabulley oo ay ka soo qeyb galeen muslimiinta ku dhaqan degmada Borlänge iyo siyaasiyiinta xisbiga shaqaalaha ee ... GUJI.HALKAN


Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...


Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 


Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...


Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 


BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 


DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA


DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 


DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 


DADAALKA SOOMAALIDA INDIA


MAXAA ISLAAMKU KA YIRI MOWLIIDKA NEBI MUXAMMED (SCW)
[waa cod] ee Ka dhegeyso Masjidka Khalid Bin Waliid ee Toronto


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.