Kacaankii
Qoomamada Kuwii Dhebiga Uqoroow Qarankii Xagee Dhigteen.
Sidan waxaa yidhi qof
waayeel ah oo aanu Muqdisho ku kulanay.
Halka laga baahin doono barnaamijka CASWA.
|
Minneapolis, Minnesota.|Barnaamijkan oo lagu
magacaabay CASWA Codka Ardayda Soomaaliyeed ee Wuqooyiga America waxaa markii ugu horaysay si rasmi ah loogaga maqlay iyadiiyoo
tijaaba ah labadan Magaalo ee mataanaha ah Minneapolis iyo St.Paul galabta oo
axad ahayd 23ka bishan Juun, barnaamijkan CASWA waxa uu hoos yimaada Agab oo ah
koox araday ah oo isu tagay kan oo aan Dowli ahayn, eraygan ayaa laga soo
gaabshay Ardayda Geeska Afrikada Bari, iyadoo erayga qudhiisu uu yahay sida odayada
sugaanta ee Soomaalida Minnesota ay ku qeexeen Caaqibo ama Aayatiin…Nin oday ah
islamarkaana sugaanta Soomaalida in badan oo ka mid ah haya ayaa goortii la
waydiiyay eraygan Agab yiri “Agab waa caaqibo ama ayaatiin, ama xataa faa’iido”
Waxa uu tusaale usoo qaatay Dhoowr tuduc oo uu kasoo xigtay Sugaanyahanka
Soomaaliyeed Sheekh Xirsi Magan mar uu fasirayay Aayada 54aad ee Suurada Nuur,
waxa uu yiri.
Alle aayadii Nuur wuxuu idin ku leeyahay
Haday iiga qaataan samahana adkeeyaan
Sidaan horay u iriba sadex baan isugu dari
Sidii uumankii hore Arladaan u dhiibanoo
Anigoo ka raaliyaan Diinta u adkaynoo
Irdhada iyo baqahana amnaan ugu badalayaa
Aminkaa ka diboow ninkii iga abaalka dhaca
Anba waan ogahay oo faasiq AGAB la’ weeye
Goortaan ka aarsado yuu eersan doonaa.
Halkaas ayuu abwaankaasu ku tilmaamay in
erayga AGAB uu la macne yahay ama macnaha lagu qeexi karo uu yahay Caaqibo, ama
Caaqibad, Faa’iido, tan oo uu Ilaahay ku tilmaamay qofkii inta uu intaas oo
abaal ah u galay misana gudi waayay ruux caaqibo la’ ama aan wax faa’iido ah
oo uu leeyahay aysan jirin…ama xataa ruux qalbi daliil ah oo markaa ay ruuxdii
sharka iyo shaydaanku ka xoog badisay.
Nin kale oo aday ah ayaa isaguna mar aan wax
ka waydiiyay eraygaa AGAB ii sheegay in uu horta Eraygu macne wayn yahay, hase
yeeshee lagu tilmaami karo sida aad maanta adinkii oo arday ahba u isticmaasheen
qaabkaa quruxda badan ee loogu soo uruuriyay dhamaan magaca Ardayda Geeska
Afrikada Bari…Ninba waxbaa yaab geliyee anigu aad baan u jeclaystay sida aad
ugu aruuriseen macnaha wayn eraygaa keliya, taa waxaan oga gudbayaa in aan isku
dayo erayga in aan qaadsiiyo marinkiisa, markaan sidaa leeyahay waxaan ola
jeedaa sida ugu fudud ee lagu fahmi karo bal aan tilmaamo…AGAB waa tamarta uu
shito qofka markii uu doonayo in uu la saan qaado quruumaha jira maanta ee
nugula nool dunida aanu saaranahay guudkeeda iyadoo aysan halkaa ka marnayn in
aan bal la iloobin dawgii hagaagsanaa ee kuwii inaga horeeyay…hadii markaa ay
lahaayeen wanaag oo aan kaga dayano iyo hadii ay lahaayeen xumaan oo aan ka
feejignaano, tan ayaa hadaba lagu doonayaa in lagu raadiyo caaqibadii la
bahdilay ee uu lahaan jiray aqoonyahanka Soomaaliyeed kan oo kolkiisii hore
kasoo biloowday Arday kadibna Aqoon yahan, Ardayga ayaa lagu tilmaamaa in uu
yahay aqoon yahankii berito hadii markaa aan isagii la gacan qaban waa ay adkaan
doontaa in la helo aqoon yahan agab leh oo macna u sameeya Ummaddiisa marka lagu
daro dal iyo diin.
SheriffOsman oo ka mid ah barbaarta CASWA 
|
“Ummadd waliba Ummadda ka horaysa
saanqaadkeeda ayay leedahay, dadka iyo taariikhdaa xusi doona si xun wax u
sheegaha, qalbi daliilka, iyo AGAB laawaha, sidaasay quruumuhu isu dhaxlaan oo
taariikhda isugu gudbiyaan. Jaallayaal Dhisaha iyo Dumiyaha labadaba taariikhdaa
sheegi doonta” Sidan waxaa uu ku yiri jaalle Maxamed Siyaad Barre
madaxwaynihii hore ee Soomaaliya khudbad uu u jeediyay dadwaynaha sanadkii 1974kii.
Waa sidaase AGAB laawe waa Caaqiba laawe aan
faa’iido lahayn haba yaraatee, hadaba waxaan filayaa in qeexida eraygaa ay
inoogaa filantahay intaa.
Barnaamijkan ayaa la donayaa in uu markaa
kulmiyo dhamaan ardayda Geeska Afrikada Bari ee wax ka barata dibada iyo gudaha
dalkaba, si markaa loo unko ama loo asaaso deegaan ku salaysan aqoon iyo waayo
aragnimo, waxaan iyana meesha ka marnayn in ay tani tahay dariiqa kaliya ee aynu
kula dagaalami karno Jahliga, Qalbi daliilka, tabar laawaha ka badin waayay
laynta iyo baabi’inta bulshada Soomaaliyeed, isla markaana aan ku asli karno daryeel dhan oo ku jeeda
barnaamijkii waxbarasho ee Soomaaliya, kaabbidda iyo ku hagida qorshe habaysan
iyo barnaamij loo qoondeeyay aqoon yahanka Soomaaliyeed ee laga yaabo in arxan laawayaashaa quutay
qaranimadii Soomaaliya ay darxumo iyo dalanbaabi ku diloodeen,
Waxaan jeclaan lahaa in aan halkan idiin kaga
sheekoo arin la xidhiidha sida ay arxan laawayaashaasu u bahdileen aqqonyahanka
Soomaaliyeed…
Waxay ahayd goor barqa ah…Waxaan joogay
Magaalada Muqdisho oo aan xiligaa u tagay shaqo la xidhiidhtay hagaajinta iyo
dayactirka qalab lagu xidhiidhinayay Cybernetics-ka Caalamiga ah..waxaan kasoo
socdaalay xaruntii aan ka deganayn Magaalda Muqdisho oo u jirtay wax ka yar 350m
madaxtooyadii Jamhuuriyadii Soomaaliya….waqtigan oo aan lugaynayay ayaa waxa
aan soo gaaray suuqa lagu magacaabo BAKAARAHA, gaar ahaan halka ay ka baxaan
basaska aada qaar ka mid ah Gobolada Dalka…waxaan la socday qof waayeel ah oo
aan qarabo ahayn, hadii aan xoogaa suuqii ku warwareegnay iyo goobtii laga
raacayay basaska ayaa waxaa nagu soo baxay nin dheer oo Illahay lixaad iyo qurux
siiyay, waxaa wejigiisa ninkaa ka muuqday xishood aad iyo aad u farabadan tan oo
ay u wehlisay gaajo afkiisii bedeshay…Illeen aadanuhu quudkuu ku nool yahaye,
waxaa ninkaa wejigiisa oo dhan aad ka dareemaysay kolka aad sidaa u fiiriso
baahi waynaatay tan oo aad ku tilmaami karto in uu sadex ama far qad yahay.
Markii iigu horasay ee aan isha qac ku siiyay
waxa uu taagnaa daaqad ka mid ah daaqadaha bas u baxayay Magaalada Galkacyo ee
Gobolka Mudug, waxaan is iri waxa uu lahadlayaa show qof safraya oo ehelkiisa
ah, xoogaa hadii la joogay ninkiina uusan ka dhaqaaqin daaqada ayaa nin qolyihii
baska maamulayay ka mid ahi ku yiri basku wuu dhaqaaqayaaye ka leexo…ninkii
isaga oo caga jiidaya ayuu isaga soo dhaqaaqay baskii, mar keliya ayaan yaabay
oo iskula hadlay war ninku sidee wax ka yihiin, In yar kadib waxa uu arkay
qofkii waayeelka ahaa ee aanu isla soconay oo intuu kusoo booday yiri Illaahay
baa ikaa tusay…qofkii waayeelka ahaa ee ila socday ayaa igu yidhi “Ninkan Ma
Garanaysaa?” Markaasaan ku iri maya….gooni buu inta isula taagay la balamay!
Waa Yahay waan is arki doonaa un baan sheekadoodii ka maqlay!.
Muqaalka Studio-ha Koowaad
|
Markuu sidaa inooga dhaqaaqay ayuu igu yiri
qofkii waayeelka ahaa ee aan isla soconay ninkaa bal u fiirso…Waan eeeeegaaaa
waan eeeegaaaa xogaa kadib ayuu sidiisii dhinaca ku qabtay mid ka mid ah
basaaskii astaanka taagnaa…hadii aan markan si hagaagsan ugu fiirsaday waxaa
ii muuqday ninkii aan soo tilmaamay oo dadkii wax waydiisanaya oo weliba si
xishood badani ka buuxo gacanta ugu hoorsanyo….Waa ay ii cuntami wayday! Waayo
waxaan fahmi waayay ruuxan uu ileeyahay qofkan waayeelka ah ee ila socda fiiri!
Si fiican u fiir! Ma garanaysaa! Ma fahamtay! Iyo isagiiyoo waa ninkee u eg nin
aragiisu qariib yahay! Ama hadaan si kale u iraahdo yaab kugu dhalinaya goorta
aad aragto muuqiisa, waa nin dheer oo Illahay qurux iyo joog siiyay! Weliba
intaa ay u dheer tahay Lixaad iyo bilicsamaan!
Waa kuma! Ninku muxuu yahay? Ayaan kala
dhamaan waayay ruuxii waayeelka ahaa ee ila socday! Danihii aan lahayn oo dhan
ninkan baa naga mashquuliyay! Qofkan waayeelka ah ee ila socdana qudhiisu ninkan
way is yaqaanaan oo waa bay waqti isla soo qaateen! Oo ay meel kawada sahqayn
jireen, waa beri samaadkiiyee.
Waxba yaanan war kugu daalinine ninkii isaga
ahaa tan iyo maalintii oo dhan bas-ba bas buu u dhiibaa oo sidaa suuqa dhexdiisa
gaar ahaan halka basaska laga raaco ugu nagaadaa….
Mar aan daalay ayuu ruxii waayeelka ahaa ii
sheegay in uu ninkaa macalin ka ahaan jiray Kuliyadii Waxbarashada sare ee
Lafoole, isla markaana uu isagu yahay reer magaalka, meel uu aadana uusan
aqoonin, halka dadku is dhacayaan ama is dilayaan isagu waxa uu ka doortay in uu
meelihiisaa gacanta hoorsado inta Illaahay faraj khayrqabo oga furayo….Maandhoow
aduun mee xaal sidaasuu ku dambeeyay Illaahayoow hana dufayn oo karaamada ha
naga qaadin! Muxuu dembi ah oo leeyahay hada ninkaa? kuwii kacaankii qoomamada
dhebiga u qoroon waa iga su’aale qarankii xagee dhigteen!
Akhyaarta hawada naga dhagaysanaysay tan ayaa
dhalisay in la unko barnaamijkan AGAB oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in uu
dhaliyo fikradii lagu badbaadin lahaa aqoonyahanka Soomaaliyeed ee sidaa loo
bahdilay…iyo weliba xataa sidii uu u kulmin lahaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed
ee wax kabarata dalka dibadiisa gaar ahaan kuwa Woqooyiga America, barnaamijku
waxa uu si gooni ah usoo hadal qaadi doonaa ardayda ka timi geeska
afrikakada bari ee ku hadasha af-ka Soomaalga.
Tani waxa ay ahayd dhacdo dhab ah oo aan usoo
taagnaa anigan idin la hadlaya! Ugudambayntii waxaan leeyahay AGAB waxa uu u
baahanyahay hiilkaaga, hiilkayga, iyo dhamaan hiilka Ardayda Geeska Afrikada
Bari waa inta af-ka Soomaaliga ku hadashee.
Barnaamijkan CASWA oo hoowshiisa ugu wayni ay
tahay baraarujinta Ardayda Soomaaliyeed ayaa lagu wada in uu
hoowshiisan si rasmi ah u bilaabo sanad dugsiyeedka 2002 - 2003, goortaas
oo uruurinta barnaamijkan lagu wado in la soo af-meero. Qaabka loo
qorshaynayo barnaamijkan iyo sida ay tahay in uu u hoowl galaba waxaan idiin kaga soo
sheegi doona dib goorta ay hoowsha xog uruurintu soo gabagaboowdo.
Hadii aad markaa
jeclaan lahydeen in aad heshaan akhbaar siyaada ah oo la xidhiidha barnaamijkan
fadlan nagala soo xidhiidh agab@unitedstates.com,
anaguna waxaan idiin balan qaadaynaa in aan si hagaagsan idiin kugu adeegno oo
markaa aan idinka haqab tirno wixii baahidiina ah ee aad jeclaan lahydeen in aad
ka ogaataan CASWA Codka Ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga Amerika.
SheriffOsman
agab@unitedstates.com
University
Of Minnesota
June 25, 2002 | Xuquuqda
Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com
_________________________________________________
WARBIXINADII HORE
EE SOOMAALIDA MINNESOTA.
fadlan booqo
maanta si aad u ogaato, ama aad oga hesho warbixin Soomaalida ku dhaqan Gobolkan
Minnesota.
Booliska
Minnesota oo Soomaalida kala hadlay arimo la xiriira Dilkii Abu-Qaasim
jaylaani
Kalfadhi ay galabnimadii
sabtida qabteen Booliska Minnesota ayey ku... AKHRI.HALKAN
Arday
Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa
lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka
Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN
Jaaliyada
Soomaalida Minnesota Xagee Kudambayn Doontaa
Warbixin dheer oo
kusaabsan kulan ballaaran oo looga dooday midaynta jaaliyadaha Soomaaliyeed GUJI.HALKAN
Ardayda
Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo Ardayda Soomaalidu
heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...
GUJI.HALKAN
Gabdhaha
Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka
gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul
kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN
Shirweynihii
Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu
tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN
AF-SOOMAALIGA OO QARKA
USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi
Cabdulaahi Maxamed,
Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN
Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN
SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA:
Karameel waa suuq aad uweyn oo
ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo
booqo maanta
WARARKA KALE EE JUNE
MAY
| APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
|