Make your own free website on Tripod.com


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

In wax la dilaa waa arin qaldan 

laakiin shaqadayada ayaa ah.

                                                                                            Sergeant Ron Bellendier. 

 

  Chief Robert K. Olson, Madaxa Police-ka Minneapolis
Sergeant Ron Bellendier
Staff-ka Chiefka

Staff-ka Chief-ka
Oday
shegay in uu dhaga la' yahay, isagoo, sida uu sheegay, ay Police-ka Minneapolis Garaaceen sababtoo ah isaga oo aan maqlayn marka ay la hadlayeen.
Oday Soomaaliyeed oo ciidankii Booliska Soomaaliya ka tirsanaa lana yaaban sidii loo dilay Marxuum Al-Jaylaani.
 
Axmed Xassan "Wiil ka Tirsan Police-ka Minneapolis, islamarkaana u bedelayay Af-ka Soomaaliga barnaamijkii ay Police-ku wateen.

Minneapolis, Minnesota|Waxaa shalay galab lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kalfadhi balaarnaa oo loogaga hadlayay sida ay ciidamada amniga ee magaaldani ku warameen duruus lagu barayay dadka Soomaaliyeed ee magaaladan ku noolinkasta oo dad badani ay aaminsanyihiin in ay arintaa ka wayntahay oo ujeedada ciidamada amniga ee gobolku ay ahayd in ay ku daboolaan dilkii naxariis darada ahaa ee loo gaystay Marxuum Abu Qaasim Jaylaani oo goor sii horaysay ay cidanka amaanku ku dhufteen 16toban xabadood ilaa ay nafta kaga qaadeen, islamaalinkii shalay ahaa oo dhoowr iyo toban qof oo Soomaali ahi ay ka hadleen arintaa hadana qolyihii u joogay fadhigan ciidanka marnaba waxba kama aysan soo qaadin arintaa...

Dad kale oo Soomaali ah oo waxaa jira lahaa arintan ayaa la doonayaa in laga dhigo sida in uu Marxuum  Jaylaani isku darsaday madax adayg iyo isaga oo aan qaanuunka waxba ka aqoon, maantana laga dhigayo in ay ciidanku u yimaadeen in ay baraan dadka qaabka ay ciidamada amaanku u shaqeeyaan...

Waxaa maanta halkaa ka hadlay madaxa ciidamada ammaanka Minneapolis Chief Robert K. Olson, oo u mahadnaqay Soomaalida isla markaana sheegay in hadii ay Soomaalidu na saacideeyaan aan qaban karno inta aan qabanay maanta iyo weliba ka badan, hadii aad dhib tabanaysaan nala soo xiriira anaga ayaa wax ka qabnayna waxa aad tabanaysaan, hadii ay dhacdo in uu ruux ka tirsan ciidamada amaanku idin dhibo fadlan igu soo wargeliya qora astaantiisa kadibna aniga iisoo gudbiya....isla hadalkan uu Chiefku yiri waxaa ka daba hadlay rag odayaal ah oo dhoowr ahaa kuwan oo sheegay in uu Chief-ku sidaa balamo hore u qaaday ilaa maantana aysan jirin wax laga qabtay...waxay tusaale usoo qaateen nin oday ahaa, Marxuum Cali Warsame Cali , oo lagu dilay magaaldan Minneapolis isaga oo sugayay Bus, doowladu waxa ay sheegtay in ay arintaa baarayso muda aan dhawayn ilaa iyo maantana wax arintaa ay doowlada iyo ciidamada amaankuba ka qabteen ma jirto.

Intaa kadib waxaa hadalkii la wareegay Sergeant Ron Bellendier oo ka waramay sida ay tahay in ay ciidamada ammaanku ola dhaqmaan marka ay la kulmaan meel dhibaato ama dembi lagu hayo, sida aad lawada socotaanba ma jecli, qof jecelna naguma jiro in uu qof dilo, ciidamada amaanku waa sidaa oo kale, laakiin hadana in aan wax dilaa shaqadaya ayaa ah" sidan waxaa ku hadlay Sergeant Ron.

Dadkii Soomaalida ahaa ee halkaa isugu yimi oo shalay caro ballaarani wejigooda ka muuqatay ayaan marnaba jeclaysan sidii ay u hadlayeen qolyihii matalayay ciidamada amaanka ee Magaaldan Minneapolis.

Dadkaa halkaa isugu yimi waxaa ka mid ah shalay nin oday ah oo sheegay in uu dhagaha ka liito oo isaga oo marayay meel u dhow xaafadiisa ay ciidamada amaanku hareereeyeen isaga iyo dhamaan dadkii marayay halkaa, waxa uu yiri maba aanan maqal waxa ay sheegayeen oo waan iska socday, mid baa intuu iga daba yimid labada gacmood iga jeebeeyay...war ciidamada amaankoow iska fiiriya waxa aad samaynaysaan, ayuu yiri.

Gabagabadii kulankaa waxaa xoogaa su'aalo ah lawaydiiyay Sergeant Gwen Gunter, inta badan dadka su'aalahoodu waa ay adkaayeen ama waxa ay ahaayeen wax aan loo heli karin Jawaab waana sida aad arkayseen in uu u lahaa madaxa cidamada amaanka Minneapolis waa in dib loo baaraa Dhacdadaa, waxaan idiin samaynay dhaliinyaro la shaqayn doonta Ciidamada Amaanka oo uu ka Mudane Axmed Xasan usoo sheega ama isagaba waydiiya wixii markaa aad oga baahataan xaga ciidamada amaanka ee Minneapolis" sidan ayuu kaga baxay hadalka Sergeant Gwean...

Wax sidaa u badan lagama faa'iidin kulankii shalay, sida dadku sheegeen, dhaliiyaro Soomaaliyeed baa ii sheegay in ay ka codsadeen kuwii qaban qaabinayay shirka in ay joojiyaan maadaama ay tacsi noo taalo dilkii loo gaystay Marxuum Al-Jaylaani oo shalay ay xukuntay Maxkamada gobolku in aysan habayaraatee wax dembi ah lahayn kuwii gaystay falkaa lagu dilay marxuumka isla markaana lagu bahdilayay karaamada Soomaalida...qolyihii qabanqaabinyay xafladanse ayagu dhag jalaq uma sayan siinin codsigaa Soomaalinimadu ka muuqato...

 

SheriffOsman
Minneapolis, Minnesota.

editor@somalitalk.com

June 23, 2002 | Xuquuqda Qoraalkaan waa xafidantahay | SomaliTalk.com

Warbixinadii hore ee dilkii Abu Qaasim Jaylaani


WARBIXINADII HORE EE SOOMAALIDA MINNESOTA

Arday Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN


Ardayda Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo
Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...   
GUJI.HALKAN 


Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN

Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN

Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi Cabdulaahi Maxamed,


Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN 

Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN 

SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA: Karameel waa suuq aad uweyn oo ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo booqo maanta


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka, oo kuyaal gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka halista ah ee kaadi-sonkorowgu, Taas oo dhakhtarku uu sheegay in ay sabab u tahay cuntada xayrtu kubadantahay ee cunto Ameerikaanka looyaqaan iyo iyada oo Soomaalidu aysan samayn jimicdiga jirka, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.