Muslimiinta
Aduunka oo ka Gilgishay in Saaxafada Reer Galbeedku Ku Tilmaanto Argagixiso.
Calamada qaar ka mid ah dalalka muslimka ee shirka ka qayb
galaya.
|
Kharduum
Suudaan | Waxa ay dhaleeceen usoo
jeediyeen Wasiiradda Arimaha dibadda iyo kontan iyo todoboda xubnood ee ku kooban yahay
Ururka Ururka Muslimiinta Aduunka, kuwan oo uu shir oga furmay Kharduum
xarunta dalka Suudaan, tuhunka sida joogtada ah loogu soo jeediyo goorwalba,
kadib burburkii loo gaystay Maraykanka 11kii, Septembar ee kolhore.
Wasiirka
Warfaafinta ee suudaan ayaa lagu waydiiyay shir jaraa'id oo uu shalay ku
qabtay kharduum Sidee loogu tuhmaa ummadda Islaamka ah argagixisnimo, iyada oo
codsanaysa habeen iyo maalin in lawada hadlo oo miis la isugu yimaado! Arintu
intaa waa ay ka wayntahay oo waxaan aaminsanahay in argagixisadu ay tahay tan
habeen iyo maalin u gaadhsata Muslimiinta aduunka, duqayn xaga cidhka ah ayaa
loo gaystaa, caruurtoodaa la laayaa, cuna qabatayn baa lagu soo rogay in ka
badan dhoowr dal oo muslimiin ah, taasu miyaysan ahayn argagixisnimo aan geed ku
gabad lahay.
Waxa uu
wasiirku intaa ku daray in uu aad oga xunyahay in si guud iyo si gaar ahba
muslimka loogu magaacabo argagixiso, kulanka xiligan ay leyihiin ururka Islaamka
ayaa lagu qabanayaa magaalada Kharduun 25ka ilaa iyo 27ka bishan juun ee aanu ku
jirno, iyadoo xiligan cinwaan looga dhigay "Wada jir iyo dood cilmiyaysan",
waxaa shirkan kasoo qayb galaya sodon wasiir arimo dibadeed, madaxa jaamacada
Carabta mudane Camar Muusa, iyo dhamaan wasiirada arimaha diinta iyo cadaalada.
Waa sidaase waxa ay koox ka mid ah
wasiirada arimaha dibada ee muslimku soo bandhigeen in fahdi gooni ah loo yeesho
sidii loogaari lahaa go'aan adag kan oo ay dunida muslimka iyo madaxdoodu ka
qaadato tan lagu xadidi karo Argagixisada, arintan ayay dhoowr jeer oo hore ku
guulaysan waayeen madaxada doowladaha carbeed inkasta oo ay balan qaadeen in ugu
dambaynta loo heli doono macne buuxa oo lagu qeexi dono waxa markaa ay
argagixisadu tahay, sida uu ku waramay wasiirka arimaha dibada ee Sudan Mudane
Madraf Sadiiq shalay ayuu ku sheegay in
loo baahanyahay in aan marnaba la ogolaan fasahaadinta magaca Ilaamka oo ah arin
muqadas ah, tan ay beryahan ku dhaqaaqeen warbaahinta reer galbeedku, waa in aan
samaynaa xarumo iyagu u taagan habeen iyo maalin ilaalinta iyo dhoowrida magaca
Islaamka iyo Muslimiinta.
Ugu dambayntii waxa uu fadhigu ansaxiyay
aragtidii madaxa ururka ee ahayd in xafiis laga furo burugsel xarunta dalka
Biljim, kan oo ay shaqadiisu noqon doonto isu soo dhawaynta iyo in ay si dhan u
wada hadlaan Yurubta oo aad moodo in ay ugu dhaga nugushahay reer galbeedka iyo
Dunida muslimka
Qoraalkan oo asalkiisii ku
qornaa Af-ka Carabiga halkan ka akhri
Tarjamada
| Bahda SomaliTalk.com
Warka:
June 2 7.
2002
TAARIIKH
KOOBAN EE SOOMAALIYA GUJI.HALKAN .
_________________________________________________
WARBIXINADII HORE
EE SOOMAALIDA MINNESOTA.
fadlan booqo
maanta si aad u ogaato, ama aad oga hesho warbixin Soomaalida ku dhaqan Gobolkan
Minnesota.
Booliska
Minnesota oo Soomaalida kala hadlay arimo la xiriira Dilkii Abu-Qaasim
jaylaani
Kalfadhi ay galabnimadii
sabtida qabteen Booliska Minnesota ayey ku... AKHRI.HALKAN
Arday
Badan oo Soomaaliyeed oo Sannadkan Gelaya Jaamacadaha Gobolka Minnesota
Saddex Boqol oo arday Soomaaliyeed ah ayaa
lagu qiyaasay in sannadkan 2002 ay ka qalin jebiyeen dugsiyada Sare ee Gobolka
Minnesota, warbixinta AKHRI.HALKAN
Jaaliyada
Soomaalida Minnesota Xagee Kudambayn Doontaa
Warbixin dheer oo
kusaabsan kulan ballaaran oo looga dooday midaynta jaaliyadaha Soomaaliyeed GUJI.HALKAN
Ardayda
Soomaaliyeed oo Mustaqbalkoodu ifayo Ardayda Soomaalidu
heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?...
GUJI.HALKAN
Gabdhaha
Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka
gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul
kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN
Shirweynihii
Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu
tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN
AF-SOOMAALIGA OO QARKA
USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo...AKHRI.HALKAN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000
Dadkii ugu magaca dheeraa sannadkaas waxaa kamid ahaa Nagi
Cabdulaahi Maxamed,
Guulihii ay gaareen Ardayda Soomaalida Minnesota sannadkii 2001
GUJI.HALKAN
Warbixintii gabdhaha Soomaalida Minnesota lagaqoray sannadkii 2000
GUJI.HALKAN
SUUQ_WEYNAHA SOOMAALIDA MINNESOTA:
Karameel waa suuq aad uweyn oo
ay leeyihiin Soomaalida Minnesota ee Soo
booqo maanta
WARARKA KALE EE JUNE
MAY
| APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
|