SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - OHIO

WARBIXIN SOOMAALIDA COLUMBUS, OHIO

COLUMBUS, OHIO - Qiyaastii Lix saacadood oo safar aan kagasoo ambanbaxay Canada kabacdi, goor ay tahay 8:30 fiidnimo (oo qorraxdu baalka sii dhiganeyso) ayaan dhanka Woqooyi kasoo galay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio, USA. Waxa aan soo beegsaday meel dukaamo xiriirsan ah oo ah nooca looyaqqaan "Mall" si aan tilmaantii aan ku socdey u xaqiiqsado (maadaama uu safarkani ahaa kii iigu horreyey ee an ku imaado magaaladan), markiiba halkaas waxaan kula kulmay wiil Soomaali ah oo kamida shaqaalaha Mall-ka. Markii aan weydiiyey xaafada ay Soomaalidu ugu badanyihiina wuxuu isiiyey tilmaan hagaagsan.

Waxa aan sooqaaday wadada "Morse Road" oo ah wado ku caan ah Soomaalida, waxaana lagu qiyaasay sida wadada "Dixon Road" ee Toronto, wadadaas oo marka magaceeda la maqlo ay maskaxdaada kusoo dhacayso Soomaali. Cabbaar markii aan wadadaas qaaday ayaan istaagey meel isgoys ah oo u dhow wadada "Cleveland". Markiiba waxaa dhanka midig igaqabtay bidhaan Soomaaliyeed, waa makhaayad ay leeyihiin Soomaali oo harteeda ay taaganyihiin gawaari ay Soomaaliyi ku dhexsheekaysanayaan, salaan gaaban kabacdi waxaan weydiiyey xaafada "Capital Park" oo aan tilmaanteeda haystey, waa xaafad u dhiganta "Cedar" oo ah Minneapolis ah ama EastLeigh (islii) oo Nairobi ah oo hadii aad dhex istaagtid la mid  ah adiga oo ceelgaab taagan.

Marka aad timaadid "Capital Park", waxaa kuusoo baxaya guryo farabadan oo xiriirsan oo aan aad u dhaadheerayn, laakiin ka kooban dabaqyo is dulsaaran, waxay iigu muuqdeen in gebi ahaanba ay Soomaali degganyihiin maadaama ay carruur Soomaaliyeed oo farabadan ku cayaarayaan dhammaan barxadaha guryahaas.

Markii aan waxyar joogey Columbus, wixii iigu horreeyey ee aan dareemay waxa ay ahayd in carruurta Soomaaliyeed ee reer Columbus, Ohio ay afka Soomaaliga aad uga badiyaan ama ugaga xariifsanyihiin carruurta Soomaalida Toronto. Marka aad la sheekaysatid carruurta Som-Columbus waxaad dareemeysaa niyad sami maadaama ay kugula hadlayaan af-Soomaali fasiix ah, marka aad lasheekaysatidna ay kuugu jawaabayaan Af-Soomaali. Waxay ahayd arin yididiilo leh isla mar ahaantaana ku dayasho mudan.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiiyey Soomaalida magaalada Columbus waxaa iiga soo baxay in:

  • Soomaalidu ay gobolkaan Ohio yimaadeen lixdii sano ee ugu dambeysey,
  • Soomaalida Ohio deggan in lagu qiyaasay ilaa 15,000 oo qof (inkasta oo Soomaalidu ay yihiin dad guurguura oo tiradaasi marwalba isbedelikarto, waa sida dhallintaasi ii sheegeene)
  • Soomaalidaas cadadkaas ah in ay ugu badanyihiin hal dhinac oo magaalada ah,
  • Soomaalidu in ay Columbus kuleeyihiin ganacsi soo kobcaya, sida dukaamo iyo makhaayado,
  • Soomaalida Ohio ay yihiin dad shaqaysta, qowmiyadaha kale ee ay la noolyihiin ay jecelyihiin hab dhaqanka Soomaalidaas,
  • Xagga waxbarashada waxaa la iisheegay in aad arkeysid gawaarida carruurta iskuulka geeya qaar kamida in gebi ahaanba ay buuxiyaan carruur Soomaaliyeed, taas oo tusaale loo soo qaatay sida ay ugu dadaalayaan wax barashada hoose/dhexe. Xaga mac-hadyada iyo jaamacadaha weli kuma badna, waxaase ifafaaluhu muujinaya in mardhow ay ugu badan doonaan Sida Soomaalida Minnesota oo kale, kuwaas oo (waa Som-Minesota'e) xagga tacliinta ugu horreeya (sida la qiyaasay) dhammaan Soomaalida kudhaqan Maraykanka. Waana tartan waxbarasho oo cusub oo halkaas  uga bilaabmay Som-Ohio iyo Som-Minnesota.
  • Dadka Soomaaliyeed ay ku kaal firdheen dunida dacaladeeda loona baahanyahay (ama ay lagama maarmaan tahay) isku xir jaaliayadaahaas.

Saacado tirsan ayaan joogey Columbus markii aan qoraalkaan qoray, waxaanse isku deyayaa hadii Allah idmo in aan wixii dheeraad ah ee aan kala kulmo Soomaalida Columbus inta aan safarka kujoogo aan usoo tebiyo akhristayaasha SomaliTalk.

WQ. Maxamed Cali
contact3@somalitalk.com
Columbus, Ohio 

SOMALITALK | June 1, 2002


. BULSHADA AYNU LA NOOL NAHAY AYNU KA QAADANO WIXII NA ANFACA [DENMARK]

BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM
Waxaa 18 kii Maajo lugu dabaacay SomaliTalk war kusaabsan wadahadal dhaxmaray Xafiiska Ajnabiga ee Borlänge iyo Ururka Geeska Afrika kaas oo.. GUJI.HALKAN  24/5

FAAFIN: SOMALITALK.COM | MAY 24, 2002


WARARKA KALE EE MAY » GUJI
» APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MAXAA ISLAAMKU KA YIRI MOWLIIDKA NEBI MUXAMMED (SCW)
[waa cod] ee Ka dhegeyso Masjidka Khalid Bin Waliid ee Toronto


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.