SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BORLÄNGE, SWEDEN

Matxafka mustaqbalka, Borlänge
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM

Ahmed-shil Mohamed
ahmedshil@yahoo.com  
Borlänge, Sweden
 

Waxaa taariikhdu markay ahayd 18 kii Maajo lugu dabaacay somalitalk.com akhbaar kahadlaysay wadahadal dhaxmaray Xafiiska Ajnabiga ee magaalada Borlänge iyo Ururka Geeska Afrika oo ah urur kajira magaaladaa kana taakuleeya Soomalida xagga laqabsiga iyo kunoolaashaha Iswiidhan. Kulankaas oo looga wadahadlayey dhibaatooyinka haysta ajnabiga gaar ahan soomalida kudhaqan magaalada ayaa waxaa goobjoog ka’aahaa arrintaa oo kawarbixiyey wariye katirsan Somalitalk.com oo markaa sida muuqato maqaal kaqoray arrintaa.

Subixii isniinta ooy bisha maajo ahayd 21 ayaa bogga gudaha ee loogu talogalay shaqaalaha magaalada Borlänge oo ayugu gaadhaya 3000 oo qof lagu soo daabacay maqaal cinwaankiisu sidan ahaa:

Homepage soomali ledahay oo kahadlay magaalada Borlänge”

”Magaalada Borlänge waxaa looga hadlay mid kamida homepageyada ugu waawayn ee ay soomalidu leedahay”

Marka Borlängooy maxaad ahayd?

Waa magaalo yar oo kutaallo badhtamaha iswiidhan, ahna maglaada labaad ee ugu wayn gobolka layidhaa Dalarna. Tirada dadka daggan waxay dhanyihiin 50,000 oo qof ooy illa 7000 ajanabi yihiin. Borlänge waxay kamidtahay magaalooyinka ugu bilicda san dalkan Iswiidhan iyadooy ugu wacantahay magaalada oo aad u da’ayar iyo dhulka ay kutaallo oo ah dhul aad ubilicsan xilliyada Xagaaga iyo kuwa Jilaalkaba.

Dadka kunnool

Waa dad inta badan aaminsan mabda’a Hantiwadaagga ooy usii dheertahay inay aaminsanyihiin halkudhagga layidhaa (Wadajir) ooy macnaheedu tahay in dhib iyo dheef lawadagaybsado oo aan la’isku xadgubin, la’isuna naxariisto. Waxay aad utaageeraan dadkeedu dadyawga dulman ee kukala nool adduunyada dacalladeeda siiba FALASTIIN, POLISARIO, CUBA, iyo kuwo badan oo hadda xuquuqdooda helay sida ANC, SWAPO, NLN, iyo NICRAGUA.

Tusaale waxaa kuugu filan dabbaaldaggii loo dabbaaldagayey 1da maajo, waxaa magaalada gudaheeda socod kumaray boqollaal qof oo wato calanka falastiinida kuna dhawaaqayey israel hakabaxdo dhulka falastiinida. Sidii ay yuhuuddu ugashay dhulkii ay daakhiliyada siisayna waxaa kadhacayey mudaharaadyo isdaba jooga oo looga cabanayo arrintaa iyada ah. uma’ayna kalahadhin siyaasi iyo shacab, xitaa jaraa’idka gobolka iyo magaaladaba aadbay uga dayriyeen dhibaatada laguhayo dadkaa dulman, waxaa intaa dheer ururro gaara oo ayagu tago dhulkaas kaalmeeyana dadkaa dhibban oo ugu muhiimsanyahay urur ay leeyihiin dhakhaatiirta magaalada oo kacaawiya Falastiinimda xagga caafimaadka.

Ayagoo ay iswiidhishku kaga duwanyihiin fahamka Aragtida Dimoqraadiyada dadka loo yaqaanno ”Anglosexon” (Ingriis, Maraykan, kanada, Australia iyo Newzeland) ayey hadana usii dheertahay kalgacal iyo naxariis dheeraada  oo ay uhayaan dadyawga dulman caalamka dacalladiisa. Waxaana ugusii wacan, sida aan kor kuxusayba, dadkooda oo ubdan in aaminsan mabda’a Hantiwadaagga Dimoqraadiga ah. Waagii hore mowqifyada ay kataagamyihiin qadiyadaha adduunyada aadbay ucadcaddaayeen haddase sidii hore ma’aha oo hoosbaa loo gunuunacaa iyadoo loo aanaynayo arrintaa labo shay:

Isumiisaankii kadhaxeeyey Ruusha iyo Maraykanka oo meesha kabaxay.

Hoggaamiyihii geesiga ahaa Olof Palme oo xijaabtay booskiisiina aan labuuxin.

Xidhiidhka caalamka kale!

Calanka Borlänge
Aad ayuu uqoto dheeryahay xidhiidhka ay magaaladu laleedahay caalamka waana wax ay hidda uleeyihiin kuna faanaan. Markaad qorrax udhac kasoo gasho guriga dawlad goboleedka magaalada (Stadshus) waxay ishaadu qabani qoraal bira oo darbi kudhaggan ooy kuqoran yihiin erayadan:

”RUA BORLÄNGE, SAO CARLOS BRASIL”

Oo macnaheedu yahay waddada Borlänge ee magaalada Sao Carlo ee dalka Brazil, kaasoo loogu abaalguday magaalada heshiis saaxiibtinimo ooy lagashay magaaladaa 1989 bishii Oktoobar tobankeedii. Waxaa intaa usii dheer inay laleedahay xidhiidh aad uqotodheer magaalada Kimberley ee Koonfur Afrika iyo magaalada Huechuraba ee dalka Chili, labadaa magaalo ayey Borlänge aad utaageertaa saxiibtinimo kadhaxayso awgeed ayadoo ufidiso kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo. Waxaa sanadkii yimmaado wufuud isdabajooga ah oo uyimmaado magaaladan Borlänge arrimo kala duwan kana kala yimmaado magaalooyinkaa aan soo xusay.

Soomalida daggan!

Bilicda Xilliga Xagaaga, Borlänge 
Waxaa daggan soomaali kudhow 300 oo nafar oo ubadan haween iyo carruur oo kuwooda ugu horreeyo ay soo dageen 1995tii, intooda badan waxshaqo ah mahaystaan oo waxay kunoolyihiin Kaalmada Ijtimaaciga. Xagga ganacsiga iyo waxbarshadaba luguma firfircoona iyadoo inta badan la eedasado afka dalka looga hadlo oo aad u’adag iyo dadkoo kuba cusub dalka iyo gobolkaba. Mar uu kahadlayey madaxa xafiiska ajnabiga ee magaalada arrintan lugu xusay magaalada iyo waxqabadkeeda khuseeya ajnabiga Somalitalk.com ayuu sheegay Jakob inuu aad ugu faraxsantahay qoraalkaa isaga ah uuna u’arko arrin muhiima inay helaan dadka soomalida oo kucusub meeshan dad ay wax iswaydaarsadaan kalana socdaan sida xaalka laqabsiga soomalidu yahay mujtamacayada ay ladageen, asagoo sheegay inay aad ufiicantahay inay akhbaar bulsheedka ay kahelaan soomalida Borlänge Somalitalk.com maxaa yeelaybuu yidhi waxay waxtaraysaa soomalida Borlänge inay kaga daydaan soomalida kale ee hore uyimid dalalka kale horumarka ay gaadheen. Wuxuu hadalka kusoo gabogabeeyey Jakob inay tahay arrin muhiima arrinta wada xidhiidhinta soomalida caalamka kukalanool ee ay waddo Somalitalk.com homepageyada lamidka ah sida la’iisheegay buu yidhi.

Waa aqalkii uu kudhuuntay boqorkii ugu caansanaa Iswiidhan Gustav Vasa (1496-1560) markay Daanishku ugaadhsanayeen. Naanaysta boqorka waa (Lafdhabrtii Iswiidhan) Khariiddada Gobolka dalarna ooy caasimmadiisu tahay( Falun)

Waxaa soo diyaariyey
Ahmed-shil Mohamed
 
ahmedshil@yahoo.com   
Borlänge, Sweden

FAAFIN: SOMALITALK.COM | MAY 24, 2002

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA
Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cusurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
WARBIXIN SOOMAALIDA COLUMBUS, OHIO

KHUBARO SWEDISH AH OO KA DIGTEY ISTICMALKA KOMBUUTARKA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.